GUDAHA/wararka

Maxkamadda CQS oo Xukun ku ridday Rag ku eedeysan dhac ay ka geystay Muqdisho.

Maxkamadda Darajada 1-aad ee Ciidamada Qalabka sida ayaa xukun ku ridday Rag loo heystay in ay dhac ka geysteen Magaalada, iskuna dayeen in ay baartaan Askari katirsan Ciidamada Dowladda sida hadalka loo dhigay.

Maxamed Cabduqaadir Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre waxaa loo heystaa in dhac ku geysan jireen Bastoolad iyo Mooto Bajaaj, iyaga oo dadka ka qaadanaya Telefoonada Gacanta, Kumbiyuutarada iyo waxyaabaha kale ee ay wataan.

“23-kii August Sanadkii tegay ayay weerar furasha ah ku qaadeen Askari ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran oo xilligaas ka yimid Jaamacad, waxa uuna maareeyay isku daygoodii isaga oo ay u suura gashay in uu dhaawaco mid kamid ah kooxdan ka qaatayaasha halka kuwa kalane ay ka baxsadeen xilligaasi balse mar dambe oo ay dabagal ku sameeyaan hey’adaha Amniga ay soo qabteen Sedaxda eedeysane bishii sagaalaad ee sanadkaas” ayaa lagu yiri warka Maxkamadda.

Hay’adaha baariska Ciidamada Amniga ayaa Xafiiska Xeer ilaalinta ku wareejiyay kiis dacweedka saddexda ruux ku eedeysan Dhaca, iyaga oo ka duulayo baarista iyo kiis horgeynta Maxkamadda CQS uu xafiiska dalbaday in Xabsiga lagu sii haayo 25-kii November 2019-kii.

“Baaris dheer kadib, Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa codsaday in la muddeeyo 18-kii January ee sanadkan dhageysiga dacwad ka dhan ah Maxamed Cabdullaahi Maxamed Cumar, Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame iyo Cabbdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre, waxa ayna Maxkamadda ogolaatay dalabka xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sedaxda bishan aynu ku jirno” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sedaxda eedeysane ayaa mid mid u weydiisay Eedda loo jeediyay ee ah in ay dhac ka geysanayeen Magaalada Muqdisho, kuna soo oogay Xafiiska Xeer Ilaalinta ciidamada qalabka Sida.

“Eedeysanaha koowaad Maxamed Cabbduqaadir Maxamed Cumar Xalane ayaa u sheegay garsoorayaasha in uu bixiyay laba dollar oo mid kamid ah labada eedeysane weydiistay kaasi oo ay aqoon hore ka dhaxeysay balse aysan jirin wax fal dambi ah oo uu kala qeyb qaatay labada eedeysane” sidaasi waxaa lagu yiri warka Maxkamadda Darajada 1-aad ee CQS.

Maxmakadda waxa ay wax ka weydiisay eedda loo heysto Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame oo ah eedeysannaha labaad in uu ku lug leeyahay falka loosoo qabtay, loona heysto isku day dil Askari katirsan Ciidamada Dowladda, waxaana uu sheegay in uu jiro shaqsi kale oo isna kamid ah Kooxdaan.

Waxa uu Maxkamadda u sheegay in uu ku hubeysnaa Bistoolad, muddo kahorna lagu xiray Saldhigga Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir, isaga oo loo heysto Burcadnimo.

Eedeysanaha Sedaxaad Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre ayaa ahaa milkiilaha mootada, waxa uuna u dhiibi jiray sida uu qirtay eedeysanaha labaad mana jirin wax kale oo xiriir ah oo ka dhexeeyay marka laga yimaado in ay is fahansanaayeen sida uu u sheegay Garsoorayaasha.

Xafiiska ayaa Maxkamadda weydiistay in lagu xukumo ciqaab u dhiganta qodobbada ay ku soo eedeeyeen Sedaxda eedeysane, waxaana dhankooda hadlayay Qareennada difaacayay.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida waxa ay ugu dambeyn xukun ku ridday Maxamed Cabdulqaadir Cumar oo amartay in lasii daayo, maadaama dambigii loo heystay lagu waayay.

Cabdikaafi Cabdi Jaamac Warsame waxaa lagu xukumay 8-sano oo xabsi ciidan ah, halka Cabdirisaaq Maxamed Abshir Kheyre lagu riday 5-sano oo xabsi ciidan ah, sida uu ku dhawaaqay Xukunkaas Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida.

Waxaana uu ku dhawaaqay in Xukunsayaasha ay heysta fursad ay ku dalban karaan Racfaan muddo ku siman 30-cisho xukunka kadib hadii aysan ku qanacsaneen.

MM Editor

Recent Posts

Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berrito…

8 hours ago

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo loo soo xiray Tababar

Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay…

10 hours ago

MW Xasan Sheekh oo Ballanqaad Waxbarasho u sameeyay 10ka Arday ee ugu sarraysa Imtixaanka Dowladdu qaadday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…

13 hours ago

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…

15 hours ago

Aadan Madoobe oo amray dagaal looga hortagayo AS & Malaashiyaadka Laftagareen

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…

15 hours ago

RW Xamsa “Waxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…

17 hours ago