Sawirkan waxaa la qaaday intii u socday dagaalkii Tuka-raq ee u dhexeeyey Somaliland iyo Puntland, waxaan algu baahiyey baraha bulshada
Degmada Laasqoray Subixii hore waxa kadhacay iska hor imaad u dhexeeya ciidamo ka kala tirsan Somaliland iyo Puntland oo kuwada sugan gobolka Sanaag
Sida ay Mustaqbal u sheegeen ilo-wareedyo kusugan Sanaag waxa jira khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh inkasta oo aan la heyn tirada rasmiga ah, waxaana labada dhinac kala gaaray gurmad ugu yimid saldhigyadooda ciidan.
Dadka deegaanka waxa ay sheegeen in dagaalka uu si iskii ah u istaagay, isla markaana aysan jirin cid kala dhex gashay ciidanka labada maamul illaa hadda, labada ciidan ayaa is horfadhiya sida ay saraakiil katirsan labada dhan u sheegeen Mustaqbal
Goobaha Caafimaadka waxaa la geeyay Askar dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka, waxaana looga daweynaya waxyeelada Soo gaartay sida dadka deegaanka ay ku warrameen.
Ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa dhowr jeer ku dagaalamay Gobolada Sool iyo Sanaag oo Somaliland iyo Puntland ay wada joogaan degmooyin katirsan goboladaas hayeeshee labada caasimadood ee Sool iyo Sanaag oo kala ah Ceerigaabo iyo Laascaano waxaa gacanta ku haya oo si buuxda u maamula Somaliland.
Mustaqbal- Sool & Sanaag
Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berrito…
Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay…
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…
Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…
Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…