GUDAHA/wararka

James Swan oo Golaha Ammaanka la wadaagay Xaaladda Amni iyo Doorashada Soomaaliya 2020-2021-ka.

Wakiilka Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya James Swan oo ka qaybgalay fadhiga Golaha Ammaanka waxa uu ka sheegay Xaaladda amni ee Soomaaliya iyo Doorashada la filayo in ay dalka ka dhacdo dhammaadka sanadkaan 2020-ka ilaa bilawga 2021-ka.

Fadhiga Golaha Ammaanka oo ka qabsoomay Magaalada New York ee dalka Mareykanka waxaa diyaaradda lagu saaray arrimo dhowr ah gaar ahaan Isbadalka Soomaaliya iyo Marxaladda geeddi socodka.

Khubad ujeediyay Danjire James Swan, waxa uu ku dul istaagay dadaalka Dowladda Federaalka ay gelisay Hannaanka Doorashooyinka, isla markaana Qaramada Midoobay ay garab istaag u muujiyo.

“Sanadka 2020 wuxuu leedahay awood ay u noqon karto sanad isbedel ku keena Soomaaliya. Dhowr arrimood oo muhiim ah oo qaran ah ayaa la soo gabagabeeyey waxayna saameyn ku yeelan doonaan himilada Soomaaliya sannadaha soo socda ayuu yiri Danjire James Swan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in Bishii Oktoobar ee la soo dhaafay Madasha Iskaashiga Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda caalamiga ah ay ku heshiiyeen ahmiyadaha ugu waaweyn ee ah in Soomaaliya ay ka dhacdo sanadka 2020 doorasho loo dhan yahay oo qof iyo Cod ah.

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya in la sameeyay horumar la xiriira sharciyeynta muhiimka ah ee lagu xoojinayo qaab dhismeedka maaliyadda Soomaaliya, sida Sharciga Shirkadaha iyo Sharciga Maareynta Maaliyadda Dowladda.

Waxa uu soo hadal qaaday Miisaaniyadda 2020 ee uu ansixiyay Baarlamaanka, uuna saxiixay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, tallaabadaasina ay muujineyso kobaca daqliga dalka eejoogtada ah.

MM Editor

Recent Posts

Dowladda Soomaaliya oo fasaxday dhammaan shaqaalaha dowliga iyo kuwa hay’adaha kale

Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhowaaqday in maalinta berrito…

10 hours ago

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo loo soo xiray Tababar

Xilli Dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka si ay…

12 hours ago

MW Xasan Sheekh oo Ballanqaad Waxbarasho u sameeyay 10ka Arday ee ugu sarraysa Imtixaanka Dowladdu qaadday

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta la kulmay Ardayda ugu sarreysa imtixaanka…

15 hours ago

Maxkamadda sare ee Dalka oo baabi’isay Doorashadii ka dhacday Galmudug

Maxkamadda sare ee Dalka ayaa baabi’isay natiijada Doorashadii ka dhacday Maamulka Galmudug, iyada oo amartay…

17 hours ago

Aadan Madoobe oo amray dagaal looga hortagayo AS & Malaashiyaadka Laftagareen

Hoggaamiyaha Maamulka Koofur Galbeed, Aadan Maxamed Nuur Sheekh Aadan Madoobe oo soo gabagabeeyay kulamo uu…

17 hours ago

RW Xamsa “Waxaan diidnay in aan Dad dibadda ka keensano oo Dowladnimadeeda ka shaqeeyaan”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in Xukuumaddiisa ay diiday in…

19 hours ago