Kooxda chelsea ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay la soo saxiixatay Goolhayihii hore ee xulka Qaranka England ee Rob Green oo ay kala soo wareegtay Kooxda Huddersfield.
Goolhayihii hore ee xulka England ayaa Stamford Brige u yimid si uu badal ugu noqdo una nasiyo goolhayayaasha Thibaut Courtois iyo Willy Cabballero xilli ciyaareedka cusub.
38 jirkan ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah oo uu kula joogi doono Blues laakiin filayo in uu noqdo dookha 1-aad ee goolka Blues.
Goolhayahan ayaa shalay tijaabada caafimaadka u maray kooxda chelsea waxana ay kooxdu si Rasmi ah u xaqiijisay saxiixiisa xidigan xiligan.
“Waxa ay ahayd 24 saac oo waali ah, waxa aan ka fikirayay mustaqbalkayga iyo meesha aan doonayo in aan tago waxana aan helay Telefoon kaas oo si gaaban iigu qanciyay”ayuu yiri xidiga markii lagu dhawaaqay heshiiskiisa.
“Waxa ay ahayd wakhti aad u fiican mana sugi karo inta aan bilaabayo shaqada”.
“Run ahaantii aad ayaan ugu faraxsanahay sharaf weyna way ii tahay in aan ku soo biiro kooxda ayuu sii raaciyay xidiga oo hadlayay”.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…