Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

RASMI: Barcelona oo ku dhawaaqday saxiixa Arturo Vidal.

Kooxda Barcelona ayaa si Rasmi ah u xaqiijisay in ay la soo wareegtay xiddiga khadka dhexe ee kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal kaas oo noqday saxiixii 4-aad ee ay kooxda la soo saxiixatay xagaagan.

Xiddigan ayaa qalinka ku duugay heshiis 3 sano ah oo uu ku joogi doono kooxda ku ciyaarta Camp Nou isaga oo ay haatan u hartay in uu xiddigu tijaabada caafimaadka u maro kooxda.

Vidal oo ku biiristiisa Barcelona ka hadlaya ayaa yiri” Run ahaantii waan ku raaxaystay wakhtigaygii Bayern Munich waxa aan doonayaa in aan u mahad celiyo kooxda in ay i siisay fursad kale oo aan tartan cusub ka doonto Barcelona”.

Barcelona ayaa saxiixa xiddigan ka afduubatay kooxda Inter Milan kuwaas oo si weyn ugu dhaweyd  adeegiisa sidoo kale muddo dheer ku raad joogtay.

Vidal ayaa kooxda Bayern Munich ku soo biiray sanadkii 2015 isaga oo kaga soo biiray Juventus waxana uu ku guulaystay 3 koob oo Bundesliga ah.

Kooxda Barcelona ayaa adeega xiddigan u dhaqaaqday si ay ugu buuxiso booskii ay baneeyeen xiddigaha Paulinho iyo Andres Iniesta kuwaas oo xagaagan ka tagay kooxda.

Wargayska Marca ayaa sheegaya in qiimaha lacageed ee u Vidal ugu soo biiray Barca  uu yahay 20 milyan oo euro iyo 3 milyan oo guno ah.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

12 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

14 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

17 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

19 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

20 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

21 hours ago