Ciidan ka tirsan dowladda oo xoog ku kaxeystay wasiir ku xigeenka W/ arrimaha dibadda

Wararka naga soo garaya xarunta Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya ay xafiiskiisa kala baxeen Wasiir ku xigeenka Wasaaraddaas Mukhtaar Mahad Daa’uud.

Qaar ka mid ah shaqaalaha Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u xaqiijiyay Idaacadda Mustaqbal in Ciidamo watay Warqad ka soo baxday Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Axmed Cali Daahir ay u tageen Wasiirka kana diiday in uu raaco.

Intaas kaddib sida ay Mustaqbal radio u sheegeen shaqaalaha wasaaraddu wasiirka ayaa isku xiray Xafiiska waxaana xigtay Rasaas kooban.

Ugu dameyn Wasiirka ayaa laga saaray Xafiiska waxaana lagu kaxeeyay Gaari ay wateen Ciidanka iyaga oo la aaday laanta Dambi baarista ee C.I.D lamana sheegin ilaa hadda waxa lagu heysto.

Ilo ku dhow wasaaradda arrimaha dibadda ayaa u sheegay Mustaqbal Radio in Mukhtaar Mahad Daa’uud loo haysto saddex eed oo kala ah

  1. Musuqmaasuq maaliyadeed
  2. Amar-diiddo baaritaanka hanti-dhowrka iyo Qasnad la xiray oo uu jebiyey
  3. iyo maxkamadda oo markii looga yeeray uu diiday in uu tago
Mustaqbal media

Recent Posts

Kenya oo kordhinaysa Ciidamada ka jooga deegaannada xiga Soomaaliya

Mas’uuliyiin katirsan Dowladda Kenya ayaa laga soo xigtay in Xukuumadda Nairobi ay kordhinayso Ciidamada ammaanka…

13 hours ago

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo saaray Shuruudaha iyo Jadwalka Doorashada

Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…

15 hours ago

Maxay tahay farriinta uu bulshada u diray RW ku xigeen Jibriil oo celiyay Baasaboorka Kenya?

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…

18 hours ago

Degmada Shangaani oo dib looga howlgelinayo Biyo Mareennadii ay lahayd

Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…

20 hours ago

Natiijada Doorashadii isku sidkanayd ee Galmudug oo maanta la shaacinayo

Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…

21 hours ago

RW Xamsa oo Laascaanood kula kulmay qaar kamid ah Bulshada Magaaladaas

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…

22 hours ago