Ra’isalwasaarihii hor ee Hindiya oo sakaraad ku ah Isbitaal

Ra’isalwasaarihii hore ee dalka Hindiya Atal Bihari Vajpayee,ayaa ki jira xaalad halis ah oo caafimaadkiisa la xiriirta.

Atal Bihari Vajpayee, oo sagaalkii todobaad ee la soo dhaafay Isbitaal ku jiray ayaa ka soo daray 24kii saac ee la soo dhaafay,waxaana hadda ku xiran Mishiinnada taageera nafta.

Saraakiisha Isbitaalka AIIMS ee uu ku jiro ayaa sheegay in hadda ay ku xiranyihiin Tubbooyin ka taageera neefsiga islamarkaana ay xaaladdiisu ka dareyso.

Ra’isalwasaaraha Dalka Hindiya ee hadda Narendra Modi,ayaa ku booqday Isbitaalka,halkaas oo uu 15 daqiiqo la joogay Bihari .

Ninkan oo 93 jir ah waxaa uu Guddoomiye ka ahaa Xisbiga hadda haya talada Dalka Hindiya ee BJP,waxaana uu horay Ra’isalwasaare uga soo noqday dalkaas intii u dhaxeysay 1996dii ilaa 2004tii oo uu dhowr jeer Ra’isalwasaare noqday.

 

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

9 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

10 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

11 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

11 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

11 hours ago