Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta wareegto ka soo baxday xafiiskiisa ku magacaabay Wasiir ku-xigeenka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Wareegtada ayaa lagu sheegay in Mudane Cismaan Maxamed Cabdi (Daallo) loo magacaabay xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.
Cismaan Daallo ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta horay ugu tirsanaa garabka Mucaaradka gaar ahaan madasha Haybad Qaran, isagoo hadda ku soo biiray Xukumadda Federaalka.
Magacaabistan ayaa timid ka dib markii uu Khamiistii toddobaadkan xilkaas iska casilay Maxamuud Cabdullaahi Abuukaate oo horey u hayay xilka Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa kula dardaarmay wasiirka cusub inuu si hufan, daacadnimo iyo mas’uuliyad ku dheehan tahay u guto waajibaadka shaqo ee horyaalla, isagoo xoogga saaraya horumarinta ganacsiga iyo warshadaha dalka oo udub-dhexaad u ah kobca dhaqaalaha Soomaaliya.
Mustaqbal
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo…
Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dareemaya culays Amni…
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay waqti hore…
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Cadaado ee…
Cristiano Ronaldo oo shaaciyay inuu Qorsheynayo inuu Ciyaaraha ka Fariisto sanadka soo socda, isagoo taariikh…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka…