Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Militeriga Soomaaliya oo bilihii la soo dhaafay tababar uga socday Xero ku taalla deegaanka Xananbuure ee Gobolka Galguduud.
Cidamadaan ayaa laga soo qoray dhammaan gobollada dalka, iyagoona helay tababar heer sare oo ah la xiriira Xirfadaha Ciiidamada, Anshaxa, Xeeladaha dagaalka iyo khibrado kale.
Madaxweyne Xasan Sheekh oo khudbad u jeediyay askartaan ayaa kula dardaarmay in ay dardar galiyaan dagaalka iyo ilaalinada Madaxbanaannida Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay sare u qaatay tababarka la siinayo Ciidamada Militeriga Soomaaliyeed, si ay ula wareegaan mas’uuliyadda dalka maadaama uu xilli kala guur ah marayo howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM.
Mustaqbal
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Cadaado ee…
Cristiano Ronaldo oo shaaciyay inuu Qorsheynayo inuu Ciyaaraha ka Fariisto sanadka soo socda, isagoo taariikh…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu tababar usoo…
Dowladda Kenya ayaa kordhisay howlgallada ka dhanka ah ‘AS’ ee deegaannada dhaca dhinaca Xadka Soomaaliya…
Wafdi ka socda ayaa ku wajahan magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi Bari si ay…
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan oo la hadlay Teleefishinka Aljazeera ayaa sheegay in Dowladda Masar…