GUDAHA/wararka

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya oo shaacisay natiijada Imtixaanka F12

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay natiijada kasoo baxday Imtixaan sannadkeedka 2025/26 oo ay galeen 42,916 Arday iyaga oo guud ahaan gudbay 93%

Wasaaradda ayaa sheegtay in Imtixaanku ay ka baaqdeen Arday duruufo dhinaca Amniga ah uga haray balse dib looga qaadi doonno, halka natiijada maadooyinka qaar laga baabi’iyay Arday ku xadgudubtay xeerka Imtixaanka.

Ardayda sannadkaan baastay ama gudubtay waa 40,037 halka ay hartay ama dhacday 2,809 sida lagu xusay natiijada kasoo baxday Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Soomaaliya.

Dhanka kale, Wasiirka Waxbarashada, Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa sheegay in si degdeg ah Imtixaan looga qaadi doonno Ardaydii duruufaha uga haray ee diiwaankooda la hayo.

Waxa uu bogaadiyay Dadka Soomaaliyeed oo daboolay baahiyaha dhinaca dhaqaalaha ah ee sababi jirtay in dhaqaale loo raadiyo, waxaana uu wax lagu farxo ku tilmaamay in xitaa la xakameeyay in uusan baraha Bulshada tagin imtixaankaas kahor inta aan la gelin.

“Warqadaha imtaxaanka oo ka koobnaa dhowr malyan ma jirin Imtixaan la xaday oo ku faafay Baraha Bulshada, taasina waxa ay ku dhacday dedaalka la bixiyay” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Waxbarashada, Hiddaha & Tacliinta sare Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir

Waa uu sii hadlay waxaana uu bogaadiyay cid weliba oo kaalinteeda ka qaadatay sidii loo dabooli lahaa dhaqaalaha ku baxaya Imtixaanka qaadistiisa, diyaarintiisa iyo adeegyada kale ee aasaasiga u ah sida uu hadalka u dhigay Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

“Imtaxaanka dowladda waxaa ku baxday qarash dhan $1,268,619 waana canshuurta shacabka Soomaaliyeed. Ardayda Haysata NIRA uma baahna in ay xarunta Wasaaradda yimaadaan si ay u qaataan Shahaadada, hadda waxa ay ku heli karaan online meelkasta oo ay dalka ka joogaan” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Faarax Sheekh Cabdulqaadir.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyay Ardayda Imtixaanka natiijadooda maanta heshay, waxaana kaalinta koowaad galay Arday wax ku bartay Gobolka Banaadir.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Ciidanka AUSSOM oo howlgal Miino baaris ah ka sameeyay Baladweyne

Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…

1 hour ago

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya oo dalbaday in loo sameeyo adeeg Caafimaad

Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…

1 hour ago

Dhallinyaro ka tahriibtay Jigjiga, Hargaysa & Dhagaxbuur oo lagu qabtay Gobolka Amxaarada

Booliiska Amxaarada ayaa ku guullaystay soo qabashada dhallinyaro tahriibayaal ah oo ka kala safray Magaalooyinka…

2 hours ago

Xoolo dhaqato ku nool Ruunirgood oo la sheegay in ay dishay xubin katirsan ‘AS’

Labo Wiil oo Dhallinyaro xoolo dhaqato ah kuna sugan Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe…

2 hours ago

Dowladnimada Soomaaliya: Hay’adaha Dowladda iyo Walaaca Muwaadinka

Hordhac Dowladnimadu ma aha oo keliya dhismaha hay’ado iyo magacaabista masuuliyiin; qiimaha ay leedahay waxaa…

3 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo gaar gaar ah kawada Gaalkacyo

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Gaalkacyo kawada kulamo gaar gaar ah…

3 hours ago