Booliiska Amxaarada ayaa ku guullaystay soo qabashada dhallinyaro tahriibayaal ah oo ka kala safray Magaalooyinka Jigjiga, Hargaysa & Dhagaxbuur kuwaas oo xogtooda lala wadaagay sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ammaanka ee ismaamulkaas.
Dhallinyarada la qabtay oo ka kooban 10 qof ayaa kala ah 8 wiil iyo 2 gabdhood kuwaas oo dib loogu celiyay Dowlad Deegaanka Soomaalida maadaama ehelkoodu dalbadeen in dib loogu wareejiyo Dhallinyaradaas sida hadalka loo dhigay.
Saraakiisha Ciidamada Ammaanka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in ay olole xooggan oo ka dhan ah Tahriibka ay galeen si looga hortago dhallinyarada deegaanka iyo kuwa socotada ah ee naftooda halista gelinaya.
Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa horay u sheegay in iskaashiga soo qabashada Tahriibayaasha ee kala dhaxeeya Ismaamullada kale uu sarreeyo iyada oo sidaan oo kale Tahriibayal baxsad ah dib loogu soo celiyay.
Mustaqbal
Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…
Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…
Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…