GUDAHA/wararka

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sida ay sheegeen ilo xog-ogaal ah, Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Taliyihii Ciidanka Badda Soomaaliyeed, waxaana la sheegay in loo magacaabay Gaashaanle Sare Maxamed Cabdiqaadir “Shariif”.

Shariif oo ku dhashay magaalada Muqdisho ayaa tababar ciidan ku soo qaatay dalka Eritrea.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise u magacaabay Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (CXDS).

Magacaabistan ayaa ku soo aadeysa xilli isbaddel lagu wado Taliska Ciidamada Qalabka Sida oo la qorsheynayo in ay la wareegaan Mas’uuliyadda Amniga Dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Lu da Silva oo ku guullaystay Doorashadii ka dhacday Brazil

Lula da Silva oo ah Madaxweynaha Brazil ayaa ku guullaystay markale xilkaas kaddib markii uu…

13 hours ago

Carruur ku dhimatay Miino ay ku cayaarayeen oo kula qaraxday Gaarisa

Ismaamulka Gaarisa waxaa ka dhacay Qarax Miino oo galaaftay Nolosha labo carruur oo la sheegay…

15 hours ago

Maleeshiyaadka Laftagareen oo weeraray Saldhig Ciidanka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin Duleedka Baydhabo

Maleeshiyaadka Cabdicasiis Laftagareen ayaa saaka weeraray Saldhig Ciidanka Maamulka Koofur Galbeed ay ku leeyihiin duleedka…

15 hours ago

MW Xasan Sheekh oo ku baaqay in la garab istaago Doorashada Qof & Codka ah ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Shacabka iyo Siyaasiyiinta ugu baaqay in ay…

15 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

1 day ago

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo…

1 day ago