GUDAHA/wararka

Dowladda Soomaaliya oo maanta degmada Ceelbarde kula la wareegtay 220 Askari

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool kula la wareegtay 220 Askari oo ka tirsan Ciidamada Xoogga Dalka, kuwaasi oo saddexdii bil ee la soo dhaafay ku xirnaa magaalada Dirirdhaba ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Ciidamadan ayaa dhawaan tababar ku soo qaatay deegaanka Xananbuure ee gobolka Galgaduud, iyagoo Dowlad Deegaanka u aaday fasax si ay ula soo kulmaan qoysaskooda

Mid kamid ah Saraakiisha Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay tirada Ciidamadan ayaa sheegay in tiradooda guud ay tahay 220, isla markaasna ay haweeney kamid ah umushay.

Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka gaar ahaan qeybta 60-aad iyo Mas’uuliyiinta degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa soo dhaweeyay Askartan, iyagoo u mahadceliyay Saraakiisha Ciidamada Dowlad Deegaanka Soomaalida.

Ciidamadan ayaa sii wadan doona waajibaadkooda Qaranka, iyagoo ka qeyb qaadan doona xorreynta dalka, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gogol wada hadal u fidiyay dhammaan Siyaasiyiinta dalka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta khudbad uu jeediyay kaga hadlay xaaladda guud ee dalka…

57 mins ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo isbeddel ku sameeyay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isbeddel ku sameeyay hoggaanka Ciidanka Xoogga Dalka…

1 hour ago

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay howlgallo Militeri ka billaawday Koofur Galbeed

Ciidamada Militeriga Soomaaliya gaar ahaan kumaandooska Danab ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka wada…

6 hours ago

Maxay ka dhigan tahay in Shirkadaha Korontada ay sameeyaan qiimo kordhin?

Shirkadaha Korontada ee Magaalada Muqdisho ayaa ku dhawaaqay in ay kordhiyeen qiimaha ay ku dhuftaan…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda Deni uu ka jeediyay furitaanka Kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada DG Puntland

Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo furay kalfadhiga 59aad ee Golaha Wakiillada Maamulkaas ayaa…

11 hours ago

Iiraan “Marinka Hormuz ma dhacayso in uu dib ugu soo noqdo sidii uu ahaa dagaalka kahor”

Dowladda Iiraan ayaa sheegtay in haddii heshiis laga gaaro colaadda Bariga aanay dib usoo noqon…

12 hours ago