Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowlad-Goboleedka HirShabeelle ayaa shaacisay in Ardayda ku nool Degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ee arrimaha Amniga dartood uga baaqday Imtixaankii la qaaday June ayaa markale dib u geli doonna.
Wasiirka Waxbarashada Dowlad-Goboleedka HirShabeelle, Siciid Hagar Camalow ayaa sheegay in Wasaaradda oo kaashanaysa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dib fursad u siinayso Ardaydaas oo culays dhinaca nabadgalyada ah u haray.
Siciid Hagar Camalow ayaa xusay in aanay suuragal ahayn in ay dib u dhacaan ama ka haraan Imtixaankaan sidaas awgeed markale fursad loo siiyay dib u gelista Imtixaanka inkasta oo uusan sheegin waqtiga laga qaadayo.
“Ardaydii Sababo amni dartood uga baaqday Imtixaanka Shahaadiga ee ku sugan Jalalaqsi waa diyaarsan yahay Imtixaankooda, dhawaan ayay geli doonnaan”. Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada DG HirShabeelle, Saciid Hagar Camalow
Mustaqbal
Ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ayaa howlgal miino baaris ah ka sameeyay waddada isku xirta…
Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa codsaday in loo sameeyo adeeg caafimaad iyo daryeelka ay…
Booliiska Amxaarada ayaa ku guullaystay soo qabashada dhallinyaro tahriibayaal ah oo ka kala safray Magaalooyinka…
Labo Wiil oo Dhallinyaro xoolo dhaqato ah kuna sugan Degmada Ruunirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe…
Hordhac Dowladnimadu ma aha oo keliya dhismaha hay’ado iyo magacaabista masuuliyiin; qiimaha ay leedahay waxaa…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Magaalada Gaalkacyo kawada kulamo gaar gaar ah…