Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Ciise Guutaale ayaa maanta magaalada Cammaan ee caasimadda dalka Jordan uga qeyb galay Munaasabadda 50-aad ee Aaas Aaska Ururka Hay’adaha Hantidhowrka Sare ee Wadamada Carabta ee ARABOSAI.
Munaasabaddan oo socotay saddex maalmood ayaa lagu soo bandhigay wada-shaqayntii iyo horumarkii ay sameeyeen dalalka ka tirsan Ururkan.
Hantidhowraha Guud ee Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay doorka uu Xafiiska Hanti-dhowrka ka qaatay isla-xisaabtanka, daahfurnaanta iyo dowlad-wanaagga Dowladnimada Soomaaliya.
Intii ay munaasabaddu socotay, waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee lagu soo bandhigay waxaa ka mid ahaa sida looga faa’iideysan karo Garaadka Macmalka ah (AI), looguna adeegsan karo xoojinta ilaalinta iyo dhowrista khayraadka iyo hantida dadweynaha.
Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS waxa uu si joogto ah ugu howlan yahay adkeynta, sare-u-qaadista xiriirka iyo wada-shaqaynta uu la leeyahay hay’adaha hantidhowrka adduunka iyo kuwa gobolka, si loo horumariyo adeegga dadweynaha iyo dowladnimada.
Mustaqbal
Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo…
Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dareemaya culays Amni…
War kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay waqti hore…
Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Cadaado ee…
Cristiano Ronaldo oo shaaciyay inuu Qorsheynayo inuu Ciyaaraha ka Fariisto sanadka soo socda, isagoo taariikh…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka…