GUDAHA/wararka

Maamulka Aadan Madoobe oo dareemaya culays Amni

Maamulka Koofur Galbeed ee uu hoggaamiyo Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa dareemaya culays Amni kaddib markii Magaalada Baydhabo ay noqotay bartilmaameedka ciidamo la sheegay in ay ka amar-qaataan maamulkii ka horreeyay.

Duleedka iyo qaybo kamid ah Magaalada Baydhabo waxaa dhowr jeer ka dhacay isku dhacyo dhexmaray ciidamada ka diiwaangashan Maamulka talada Koofur Galbeed haya iyo kuwo ka amar-qaata Maamulkii hore ee Cabdicasiis Laftagareen.

Ciidamada weerara Baydhabo ee hoostaga Laftagareen ayaa u abaabulan sidii jabhadda oo kale, dhowr jeer oo ciidanka Federaalka iyo kuwa daraawiishta Koofur Galbeed ay sameeyeen howlgallo ka dhacay duleedka Magaaladaas iyaga oo halkaas isku farasaaray.

Saraakiisha Amniga ee Koofur Galbeed iyo kuwa Federaalka ayaa kulamo la xiriira sidii culayska ciidan looga fogayn lahaa Magaalada Baydhabo ka yeeshay arrintaasi, waxaa la go’aamiyay dhowr qodob oo la xiriira adkaynta nabadgalyada & kahortagga kooxaha hubaysan.

Mas’uuliyiin katirsanaa Maamulkii Cabdicasiis Laftagareen ayaa ku goodiyay in ay ka go’an tahay dib u qabsashada Magaalada Baydhabo inkasta oo ay qaadeen weerarro waqtiyo kooban u dhacay balse uma suuragalin in ay saldhigaan goobahaas ay weerareen.

Mustaqbal

MM Staff

Recent Posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta lagu soo dhaweynayo Magaalada Gaalkacyo

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta wafdiga uu hoggaaminayo…

21 mins ago

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka oo guullo ka sheegtay dagaal ka dhacay Baydhabo

War kasoo baxay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu sheegay in dagaalka saakay waqti hore…

1 hour ago

MW Xasan Sheekh oo safar ku maraya deegaanno ka tirsan Galmudug ayaa gaarey magaalada Cadaado

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaarey magaalada Cadaado ee…

16 hours ago

Cristiano Ronaldo oo shaaciyay inuu isaga fadhiisanayo Ciyaaraha Koobka Adduunka

Cristiano Ronaldo oo shaaciyay inuu Qorsheynayo inuu Ciyaaraha ka Fariisto sanadka soo socda, isagoo taariikh…

18 hours ago

MW Xasan Sheekh oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Militeriga Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray cutubyo ka…

19 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo tababar usoo xiraya Ciidan lagu tababaray Galmudug

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta lagu wadaa in uu tababar usoo…

1 day ago