Kooxda Real Madrid ayaa wali raadineysa badalka Ronaldo waxeyna dhowr hore dalabyo ka gudbisay xidigo badan oo weerarka ka ciyaara waxeyna markan ku raad joogaan laacibka kooxda City ee Sterling.
Sida laga soo xigtay Shabakada Sky Sport Kooxda Real Madrid ayaa qorshaynaysa in ay kooxda difaacanaysa horyaalka Premier League ka afduubato xiddiga reer England.
Warka ayaa intaas ku daraya in ay maamulka Real Madrid indha-indheeyayaal u soo diri doonaan Kulanka uu xulka England la ciyaari doono Spain 8 bisha September ee soo socota si ay u qiimeeyaan qaab ciyaareedkiisa.
Sterling ayaa 98 kulan u saftay kooxda Man City isaga oo u dhaliyay 32 gool isaga oo xilli ciyaareedkii hore noqday xiddiga 2-aad ee ugu goolasha badan kooxda Man city isaga oo dhaliyay 23 gool tartamada oo dhan.
Sky Sport ayaa shaaca ka qaaday in sababta ay Real Madrid xiisaha u soo cusboonayaysiisay yahay diidista uu xiddigu ilaa haatan diidayo in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Man City.
Kooxda Los Blancos ayaa haatan isku diyaarinaysa in ay dalab ka soo gudbiso adeegiisa marka la gaadho suuqa kala iibsiga January maadama uu haatan dhawaan xidhmi doono suuqa xagaagan.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…