Ciyaaryahanka khadka dhexe ee Barcelona Rafinha ayaa qirtay inuusan ogeyn halka uu ka ciyaari doono xilli ciyaareedka soo socda.
Rafinha ayaa shabaqa soo taabtay 7 jeer 28 kulan oo uu u saftay Barcelona intii lagu jiray xilli ciyaareedkii 2016-17, laakiin waxa uu seegay dhamaadka xilli ciyaareedkan isagoo sogaray dhaawac jilibka ah, islamarkaana uusan ku soo laabanin ilaa bisha Janaayo.
25 jirkaan ayaa ku biiray Inter Milan si amaah ah qeybtii labaad ee xilli ciyaareedkii 2017-18, waxaana uu dhaliyay labo gool 17 kulan oo Serie A ah oo uu u saftay kooxda Talyaaniga.
“Mustaqbalkeyga? Anigu si daacad ah uma hubo, waxaa jira hadalo badan, laakiin kama fekerayo taas, dadka kale waa inay diirada saaraan, waxaan doonayaa inaan kubad ciyaaro, haddii aan halkaan joogo ama meel kale” Mundo Deportivo ayuu u sheegay Rafinho.
Rafinha waxa uu qandaraas Barcelona dhacayaa ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka 2019-2020.
Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…
Maamulka Puntland ayaa maanta maamuusaya 28 sano guurada kasoo wareegtay markii uu noqday Maamul Goboleed,…
Taliyaha Howlgalka Maraykanka ee Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM, Janaraal Dagvin Andersan ayaa bogaadiyay howlgallada…
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…