Wararka ka imanaya Magaalada Jalalabaad ee Dalka Afhganistan waxaa ay sheegayaan in ilaa hadda ay 8 qof dhaawacmeen iyada oo uu socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamada amaanka iyo koox weerar ku qaadday Xarun Qaxooti oo ku taalla Magaalada.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Nangarhar, Attaullah Khogyani,sheegay in koox hubeysan ay ilaa hadda kula dagaallamayaan Ciidanka amaanka Xarunta diiwaangelinta qaxootiga iyo dib u celinta.
Waxaa uu qof goobjooge ah sheegay in Gaaro Madoow oo ay saarnaayeen saddex qof ku qarxay Iridda hore,kooxduna halkaas ka gashay xarunta.
Sohrab Qaderi, oo ka mid ah Maamulka Gobolka ayaa sheegay in ay rumeysanyihiin in Xraunta lagu dhex heysto dad gaaraya 40 Qof,iyada oo qeyb ka mid ah dhismaha xarunta uu dab ka socdo.
Qof ka mid ah dadka gudaha lagu heysto oo si qarsoodi ah ula xiriiray Ciidanka ayaa sheegay in Kooxda ay ku qasabtay in aysan dhaqaaqin.
Afhayeenka Gobolka waxaa uu sheegay in xilliga weerarka Ururrada aan dowliga ahayn ee arrimaha Qaxootiga ay shir lahaayeen,islamarkaana xubnaha ugu muhiimsanaa laga bad baadiyay goobta,lana geeyay meel amaan ah.
Saraakiil sare oo ka tirsan Militeriga Soomaaliya iyo Turkiga ayaa gaarey magaalada Baydhabo ee caasimadda…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…
Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…