Qof ismiidaamiyay oo 13 qof ku dilay Afghanistan

Ugu yaraan 13 Qof ayaa geeriyootay halka 25 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii Qof isku xiray walxaha qarax uu dhexgalay Dad ka qeybqaadanayay olole doorasho Gobolka Nangarhar.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah shan Musharrax oo u tartamayay doorashada dhaceysa 20ka Bishan October,sida ay xaqiijiyeen Guddiga doorashada Dalka Afghanistan.

Afhayeenka Gobolka Ataullah Khogyani, oo ka hadlayay caasimad Goboleedka Jalalabaad ayaa xaqiijiyay dhimashada iyo dhaawaca ka dhashay qaraxa.

Qof ka mid ah dadkii ka qeybgelayay isu soobaxa lagu taageerayay musharrax Abdul Nasir Mohmmand, ayaa sheegay in ugu yaraan 250 Qof ay ka qeybgalayeen,markii uu qaraxa dhacayayna ay hadlayeen Odayaasha.

Ururrada Daalibaan iyo Daacish ayaa ku hanjabay in ay carqaladeynayaan doorashada dowladaha hoose ee Bishan ka dhaceysa guud ahaan dalka Afghanistan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

3 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

4 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

5 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

5 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

5 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

23 hours ago