Prof. Ibraahim Faarax Bursaliid iyo saddex dhalinyaro Soomaali ah oo kale ayaa la soo taagay maxkabad ku taalla Magaalada Nairobi caasimada dalka Kenya.
Raggan ayaa laamaha ammaanka Kenya ku eedeeyeen in ay xiriidh la leeyihiin Ururo Argagaxiso sidaasna ay ku soo qabteen sida laga soo xigtay Warbaahinta Gudaha Kenya oo warkaan qortay .
Muddo afar Maalmood oo xabsi ku sii hay ayaa loo jaray Prof Faarax Ibraahim Bursaliid oo ah aqoonyahan ka faalooda arimaha Geeska Afrika sidoo kale wax uu Bare ka ahaa Jaamacada ku yaala Kenya iyo dhalinyaro kale oo Soomaaliyeed.
Sababta loo Xiray Prof ayaa dadka qaar ku sheegeen Maqaalka uu ku qoray wargayska ugu afka dheer Kenya Daily Nation oo uu uga hadlay xiisada Soomaaliya iyo Kenya oo haatan meeshii ugu xumeed gaaray.
Bursaliid, ayaa maalintii shalay lagu xiray magaalada Nairobi waxaana gurigiisa ka kaxaystay Ciidamo ka tirsan Booliska Kenya , waxaana jira dadaalo lagu doonayo in lagu sii daayo oo ay wadaan Siyaasiyiin iyo Aqoonyahano ku nool ku sugan Nairobi.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…