GUDAHA/wararka

Wasiirka Gaashaandhiga oo Baydhabo tababar ugu furaya ciidamo ka tirsan kuwa xoogga.

Wasiirka Gaashaandhiga Xukumada Faderaalka Soomaaliya Xasan Maxamed Amardambe ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Wasiirka ayaa Xarunta taliska qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku taalla Magalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay kulan kula qaatay Saraakiisa ciidanka Xoogga dalka.

Taliyaha qeybta 60aad ee Ciidamada xoogga dalka Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan Timacadde ayaa sheegay in U jeedka Wasiirka uu u tegay Baydhabo ay tahay in uu tababar Maalinta berito ah uu u furi doono Ciidamo ka mid noqoanaya Millateriga Soomaaliya.

Gaashaanle Sare Cabdiraxmaan Maxamed Cusmaan Timacadde ayaa sheegay in ciidanka Koofur Galbeed Soomaaliya ay u diyaarsanyihiin ladagaalanka Al Shabaab ayna ugu baahanyihiin wasaarada gaandhiga qalab iyo tababar.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Maxamed( Amar-dambe) ayaa ka mahad celiyay soo dhaweynta loo sameeyay,waxana uu sheegay in tababarkaas ay ka faa’iideysan doonaan Boqolaal askari oo ka mid noqon doona Ciidamada Dowladda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidanka uu bari tababarka u furi doono loogu talagalay in ay isku furaan Wadooyinka deegaanada Maamulka Koofur Galbeed oo intooda badan ay xoreen Dagaalamayaasha Al Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhiga ayaa waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Ciidankaas tababarkooda uu socon doono mudo laba Bilood ah,isla markaana loogu talo galay in ay ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaanada Koonfur Galbeed.

MM Staff

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

9 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

11 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

12 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

16 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

19 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

19 hours ago