Xidigii hore ee Arsenal iyo xulka France Olivier Giroud ayaa ammaan kala dul dhacay kooxdiisa Chelsea.
Olivier Giroud ayaa lala xiriirinayay suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay inuu ka dhaqaaqi doono garoonka Stamford Bridge, kadib markii uu xulkiisa kula soo guuleestay koobka aduunka 2018.
Waxaa la hadal hayay in 32 jirkan uu ku biirayo kooxda reer France ee Marseille, taasoo ah koox uu si weyn u jecel yahay weeraryahanka kooxda Chelsea ee Olivier Giroud.
Laakiin ugu dambeyn Olivier Giroud ayaa wuxuu go’aansaday inuu kusii sugnaado kooxda ka dhisan galbeedka magaalada London ee Chelsea.
“Wararka xanta ah ma aysan soconin in badan, laakiin ugu dambeyn waa ay joogsadeen”.
“Waxaa jiray xiriir ka yimid kooxda Marseille sanadkii hore, laakiin ma jirin wax xiriir ah ee ina dhex maray sanadkan”.
“Waxaan imid Chelsea, mana ahan waqtigii saxda ah ee aan ka xer xeran lahaa boorsooyinkayga kadib seddex bilood imaatinkeyga”.
“Aniga ahaan, Chelsea waa kooxda ugu fiican horyaalka Premier League ee dalka England, waa kooxda ku guuleysatay inta ugu badan horyaalada mudada 10-kii sano ee ugu danbeysay, waxaan joogaa meeshii aan rabay inaan ahaado” ayuu yiri Giroud.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…