Dowladda Kazakhstan,ayaa maalgelisay dhismaha iyo qodidda 16 Ceel Biyood oo laga hirgeliyay Gobolka Shabeellaha dhexe.
Howsha dhismaha iyo Qodidda Ceel biyoodka waxaa fududeeyay Howlgalka Midowga Afrika e AMISOM,kuwaas oo wakiillo ka socday iyo maamulka Gobolka Shabeellaha dhexe ay iska kaashadeen qodidda ceelashaas.
Munaasibad ceelasha Biyaha loogu wareejinayay dadka degaanka oo ka dhacday tuulada Dhaaif ee duleedka Jowhar ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiinta ugu sarreysa AMISOM oo uu ka mid yahay Francisco Caetano Madeira.
Saraakiisha AMISOM ee goobta ka hadashay ayaa u mahad celiyay dowladda Kazakhstan oo bixisay dhaqaalaha lagu qoday Ceelashaas.
Guddoomiyaha Magaalada Jowhar, ku xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday Gobolka iyo Maamulka Hirshabeelle ayaa sidoo kale u mahad celiyay dowladda Kazakhstan iyo AMISOM oo shaqadaas iska kaashaday,waxaana ay sheegeen in tuulooyinka ceelasha laga hirgeliyay ay ka jirtay biyo la’aan badan,waxaana ay intaas ku dareen in hadda wixii ka dambeeya laga baxayo biyaha wasaqda ah ee degaanka laga cabi jiray.
Saalax Muude Cali Guddoomiyaha Jowhar ayaa sheegay in dadka degaanka ay baahi badan u qabeen Ceelashan,islamarkaana ay hadda kaddib ka bixi doonaan dhibaatada biyo xumida ee heysata.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…