Laacibkii hore ee kooxaha Atletico Madrid iyo Barcelona Arda Turan ayaa lagu soo waramayaa in uu wajihi karo ganaax mudo dheer ah.
31 jirkaan ayaa dagaal ku galay goob lagu caweeyo, taas oo keentay in Arda Turan lagu soo eedeeyo arimo aad u culus.
Turan ayaa loo haystaa inuu faraxumeeyay haweeney iyo inuu qal qal galiyay amniga guud ee dalka kadib markii lagu helay isaga oo haysta hub aan sharci ahayn.
Laacibka ayaa isku dayay inuu xod xoto xaaska fanaan wayn oo aad looga jecel yahay dalka Turkiga arbacadii hore taas oo keentay in ay is fara saaraan isaga iyo fanaanka, Turan ayaana sanka ka jabshay fanaanka.
Fanaanka iyo xaaskiisa ayaa soo aaday isbitaal si loo dabiibo fanaanka, laakiin Arda Turan kama harin ee baskoolad ayuu madaxa ka saaray fanaanka taas oo ahayd mid aan sharciyaysnayn.
Arda Turan ayaana halkaas xabad ka riday taas oo aan cidna ku dhicin, wararka soo baxaya ayaa sheegaya in Turan uu wajahayo xabsi dhan 12-sano halka fanaanka isna uu mutaysanayo xabsi 2-sano ah.
Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…
Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…
Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…
Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…
Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…