Koox hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir gaar ahaan xaafada Kaawo Godey ku dishay nin ka mid ahaa dadka Deegaanka.
Dilkan ayaa ka dambeeyay kadib markii laba Dhalinyaro ah oo ku hubeysnaa Bastoolado ay goobtiisa ganacsi ku beegsadeen Ganacsade Abshir Muuse oo si weyn looga yaqaanay xaafadaasi.
Raggii dilka geystay oo aan la ogeyn halka ay ka tirsan yihiin ayaa goobta ka baxsaday kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidanka ammaanka oo sameeyay baaritaan lagu soo qabtay dhawr qof oo dhalinyaro u badan.
Dadka ehelka la ah marxuumka la dilay ayaa sheegay in aysan garaneyn sababta loo beegsaday Abshir, waxayna dowladda ka dalbadeen inay cadaaladda horkeento raggii dilka ka dambeeyay.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…