Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta kulamo gaar gaar ah kula qaatay  magaalada Addis Ababa madaxda dalalka Itoobiya, Jabuuti, Suudaan, Equatorial Guinea iyo Koonfur Afrika, isaga oo kala hadlay sare u qaadidda xiriirka iyo danaha ay wadaagaan.

Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ka wada hadlay horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, dardargelinta isdhexgalka dhaqaale ee gobolka Geeska Afrika iyo iskaashiga dhinaca amniga ee labada dal.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa isaguna kulan qado ah ku casuumay Madaxweyne Farmaajo iyo wafdigiisa, waxana labada Madaxweyne ka wada hadleen sidii loo sii adkeyn lahaa xiriirka labada dal.

Dhankiisa, Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweynaha Jabuuti uga mahadceliyay garab istaagga dowladda Jabuuti u fidiso Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo, ayaa sidoo kale la kulmay Madaxweynaha Suudaan Cumar Xasan Albashiir, Isagoo xukuumad iyo shacabba uga mahadceliyay taageerada iyo martigelinta ay u sameeyeen kumanaan arday Soomaaliyeed ah oo Suudaan waxbarasho u jooga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale shir la yeeshay Madaxweynaha dalka Equatorial Guinea Teodoro Obiang Nguema Mbasog, isaga oo kala hadlay sidii loo soo celin lahaa xiriirka diblumaasiyadeed ee labada dal.

Madaxweyne Obian ayaa dhankiisa sheegay in ay  Soomaaliya abaal weyn uga hayaan taageeradii ay u fidisay dalkiisa markii ay xornimada qaateen.

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynaha Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa iyana kulankooda ku lafo-guray adkeynta xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya labada dal.

Mustaqbal media

Recent Posts

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

2 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

3 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

7 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

10 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

10 hours ago

RW Lubnaan “Xasiloonida Lubnaan waxa ay ku xiran tahay in ciidankeeda ay si buuxda u tagaan Xuduudaha oo dhan”

Ra’iisul Wasaaraha Lubnaan, Nawaf Salam oo ka hadlay amni dalkiisa ayaa sheegay in aanay nabadgalyo…

10 hours ago