GUDAHA/wararka

Meydka Madaxweyne ku xigeenka 2-aad ee Jubbaland oo lagu aasey duleedka Kismaayo

Alle ha u naxariistee, Madaxweyne Ku-xigeenkii labaad ee Dowlad-goboleedka Jubbaland, Cabdulqaadir Xaaji Maxamuud (Lugadheere), ayaa maanta lagu aasay qabuuraha Baarcaleen, oo ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo.

Aaska marxuumka waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), mas’uuliyiin katirsan maamulka, siyaasiyiin iyo bulshada qeybaheeda kala duwan.

Marxuum Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa geeriyooday habeenimadii xalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo uu ku xanuunsanaa.

Madaxweyne Axmed Madoobe iyo masuuliyiin kale ayaa tacsi u diray ehelka, qaraabada iyo shacabka Jubbaland, iyagoo Alle uga baryay inuu janatul firdows ka waraabiyo marxuumka.

Mustaqbal

 

 

MM News

Recent Posts

Maxaa looga hadlay kulanka Golaha Wasiirrada XFS?

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda toddobaadlaha ku yeeshay magaalada Muqdisho, iyadoo lagu…

11 hours ago

Soomaaliya ma u diyaarsan tahay doorasho qof iyo cod ah?

"Soomaaliya uma baahna oo keliya sanduuq codbixin, waxay u baahan tahay muwaadin rumeysan in codkiisu…

12 hours ago

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

14 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

14 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

17 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

1 day ago