Wararka naga soo gaaraya Xaafadda Siigaale ee Degmada Hodon ayaa sheegaya in halkaasi ay dabley hubeysan ku dishay qof ka mid ahaa xafiiska Xeer ilaalinta Soomaaliya.
Koox ku socday Moota Bajaaj ayaa toogasho ku dilay Maxamed Mursal oo ka mid haa xafiiska xeer ilaalinta Qaranka.
Maxamed ayaa markii la dilayay waxa auu watay Gaari nooca raaxada ah,kooxda dilka geysatay ayaa horay u sii qaatay Gaarigiisii.
Ciidamada amaanka ayaa tagay goobta uu dilka ka dhacay waxaana ay halkaas ka qaadeen Meydkiisa.
Xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa ka tacsiyeeyay Geerida Maxamed oo ka mid ahaa ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud.
Dilalka qorsheysan ayaa ah kuwo ka dhaca Magaalada Muqdisho,iyada oo dowladda Soomaaliya ay sheegeyso in amniga magaalada la sugayo.
Todobaadkii hore Ra’isalwasaare Kheyre ayaa tababar u soo xiray 1,400 oo Askari oo ah Boolis lagu sheegay in lagu wareejinayo amniga Muqdisho.
Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamadaasi looga fadhiyo in amniga magaalada Muqdisho ay soo celiyaan.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…
Ku simaha Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, ahna Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Golaha,…