Kooxda Man Unnited ayaa ku soo laabatay wadada saxda ah kadib markii ay guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 4-aad.
United ayaa kulanka soo gashay iyaga oo aan doonayn wax aan guul ahayn si ay u gaadhaan guushoodii 2-aad ee horyaalka kadib laba guuldaro oo xiriir ah oo soo gaartay.
Kooxda uu hogaamiyo Jose Mourinho ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo raadinayay goolal wakhti hore ah si ay ciyaarta u dilaan ugana soo laabtaan guuldarooyinka.
Man United ayaa daqiiqadii 27-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga weerarka uga ciyaara ee Romelu Lukaku kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.
Kooxda Martida ah ayaa heshay kalsooni kadib markii ay goolka 1-aad dhalisay waxana ay ku dadaalaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka 2-aad una dili lahayd ciyaarta wakhti horeba.
United ayaa daqiiqadii 44-aad dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu goolka u dhaliyay isla xiddiga Romelu Lukaku kaas oo dhaliyay goolkiisii 2-aad ee ciyaarta iyo midkii 2-aad ee kooxdiisa.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Man United hogaanka ku hayso dhan walba xilli Burnley heshay fursado yar oo ay ka faa,iidaysan wayday.
Qaybtii dambe ayay ciyaartu xiiso yeelatay kadib markii Pogba laga qabtay rikoodhe sidoo kale kaadhka cas loo taagay xiddiga Marcos Rashford.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay United sidaas guul ku gaadhay uguna soo laabatay wadada guulaha kaana baxday xaalkii adkaa.
Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…
Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…