Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Arsenal Oo guul soo daahday ka gaartay Cardiff City.

Kooxda Arsenal ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Cardiff City kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkiisii 4-aad kulan ka dhacay garoonka Cardiff City Stadium.

Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah iyaga oo isugu faanayay goolasha xilli kulanka laga dhaliyay 5 gool.

Kooxda Arsenal ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay iyaga oo daqiiqadii 11-aadba dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Daafaca uga ciyaara ee Shkodran Mustafi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

Kooxda garoonkeeda lagu ciyaarayay ee Cardiff ayaa daqiiqadii 45-aad dhalisay goolka bar-baraha iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Victor Camarasa kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta iyada oo ay labada kooxoodba soo bandhigeen kubad qurux badan oo si weyn loogu raaxyastay labada kooxoodbana shabaqa soo taabteen.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid ka xiiso badan qaybtii hore iyada oo ay labada kooxoodba raadinayeen sidii ay u dhalin lahaayeen goolal kale oo ay ciyaarta wax kaga badalaan.

Arsenal ayaa mar kale hogaanka u qabatay ciyaarta iyaga oo uu gool qurux badan u dhaliyay xiddiga Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Kooxda Cardiff ayaan niyad jabin waxana ay waday raadinta goolka bar-baraha ka hor inta ayna ciyaartu dhamaan iyaga oo sameeyay fursado fiican oo goolal laga dhalin karay.

Daqiiqadii 71-aad ayay heshay Wixii ay dagaalamaysay waxana goolka bar-baraha u dhaliyay xiddiga Danny Ward kaas oo ciyaarta ku soo celiyay bar-baro kana dhaliya 2/2.

Cardiff ayaa ku dhawaatay in ay Arsenal ka dhaliso laba fursadood oo deg-deg ah laakiin waxa ay isaga khasaariyeen si la yaab leh iyaga oo aan wax gool ah dhalin.

Arsenal ayaa ku ciqaabbtay Cardiff labadii fursadood ee ay iska khasaarisay waxana ay daqiiqadii 81-aad dhalisay goolka 3-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo ka dhigay 3/2.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay kooxda Arsenal gaadhay guusheedii 2-aad ee horyaalka premier League.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

RW Xamsa Cabdi Barre oo gaaray Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi u badan Wasiiro katirsan Xukuumaddiisa…

4 mins ago

Ciidamada DFS & ‘AS’ oo ku dagaalamaya Gobolka Hiiraan

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan gaar ahaan inta u dhaxaysa Maxaas iyo Teedaan ayaa kusoo…

1 hour ago

Dagaalka u dhaxeeya Ciidanka Federaalka Itoobiya & kuwa TPLF oo sii xooggaystay

Galbeedka Gobolka Tigray ee dhaca Waqooyi Itoobiya waxaa ka socda dagaal galay maalintii labaad oo…

4 hours ago

Maxaa baddelay go’aankii Trump uu ku shaaciyay in uu duullaan ku qaadayo Iiraan?

Sida ay wariyeen Axios & AP, Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa dib uga laabtay dagaal…

4 hours ago

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo maanta ku wajahan Magaalada Magaalada Laascaanood

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta ku wajahan Magaalada Laascaanood ee…

4 hours ago

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

16 hours ago