Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Man United Oo Guul Dirqi ah Ka Gaartay Tottenham & De Gea oo Wacdaro Dhigay.

Kooxda Man United ayaa guul muhiim u ah ka gaartay dhigeeda Tottenham ciyaartii ka dhacday garoonka Wembley Stadium.

United ayaa garoonka kusoo gashay qaab ciyaareed dhexda iyo difaaca ku badan, waxaana inta badan kubadda maamulayay xiddigaha kooxda Tottenham.

Dhamaadkii qeybtii hore ayee Man United u suurta gashay in ay la yimadaan goolka qura ee guusha ka saaciday waxaana u saxiixay Daqiiqadii 44aad Marcus Rashford oo ka faa’iideystay baas layaab leh uu ka helay Pogba.

Qeybtii labaad ee ciyaarta waxba iskama badalin waxaana halkeedii kasii socotay weerarkii xoogana ay qaadayeen Tottenham iyo Man United oo difaac isku xareysay.

Spurs ayaa heshay kaliya qeybtii labaad ilaa iyo 11 fursadood oo gool ah lakiin waxaa laf dhuungashay ku noqday oo ay mari waayeen goolhaye David De Gea oo ahaa laacibkii ugu fiicnaa kooxda Man United.

Guud ahaan ciyaarta ayaa kusoo dhamaatay 1-0 oo guusha ay ku raacday Manchester United.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

3 mins ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

18 mins ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

3 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

14 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

16 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

19 hours ago