Booliska Kenya oo gacanta ku dhigay Hub farabadan

Booliska Dalka Kenya aaya gacanta ku dhigay Hub si qarsoodi ah looga soo qaaday nairobo loona waday Gobolka Waqooyi Bari.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa sheegay in Hubkan oo lagu waday Gaadiidka Booliska ay dhexda u galeen Ciidamada ilaalada ee Booliska ah.

Saraakiishii lagu qabtay ayaa sheegay in Hubkaas loo waday Ciidanka keydka Booliska ee Kenya laakiin Taliyayaasha ugu sarreeya Booliska Kenya ayaa diiday in ay ka warbixiyaan hubkaas iyo halka loo waday.

Wargeyska The Star oo warkan qoray ayaa sheegay in Taliyaha Booliska Kenya Joseph Boinnet, uusan ka jawaabin wicitaanno iyo farriimo uu u diray.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa u sheegay The Star in Ku xigeenka Taliyaha Booliska Kenya Edward Mbugua, amarkiisa lagu daabulayay hubkan.

Hubka la qabtay waxaa uu gaarayaa 350 Qof oo isugu jira AK47 iyo G3,waxaana ay qeyb ka yihiin in ka badan 10,000 oo ah Hubka fud fudud oo loogu talagalay in la siiyo Ciidanka Booliska ah ee Kenya ee lagu diyaariyay Gobolka Waqooyi Bari si ay ugula dagaallamaan Al-shabaab.

Laakiin warqad Bishii October ka soo baxday Amos Gathecha, oo ka tirsan Xafiiska Madaxeyne Uhuru Kenyatta ayuu ku sheegay in aan hubkaas la qeybin karin loona qeybin karin booliska diiwaangeshan iyo kuwa keydka loo tababarayo.

Saraakiisha Booliska Kenya ayaa horay isugu raacay in la hubeeyo Booliska Keydka ah ee jooga 30 Magaalo oo sohdin la leh Soomaaliya si ay ula dagaallamaan AL-shabab,islamarkaana magaaladiiba u yeelato 10 Askari oo hubeysan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

2 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

15 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

18 hours ago

Maamulka Jubbaland oo cambaareeyay colaadaha sokeeye ee Puntland kasoo ifbaxday

Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…

19 hours ago

DFS oo sheegtay in ay Warshado waa weyn ka hirgelinayso Degmada Balcad

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…

20 hours ago