Maxkamadda sare ee Ciidamada Soomaaliya ayaa xukun ku ridday Labo qof oo midkood ahaa Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya halka kan kale askarinimo loo diyaarinayay.
Labada Nin ee saaka la xukumay ayaa waxaa lagu helay dilka Kormeere saldhig oo lagu magacaabi jiray Xasan Aadan Ibraahim.
Xasan Aadan Ibraahim, ayaa ahaa kormeere saddexaad oo ka tirsanaa Saldhigga Booliska ee Degmada Huriwaa.
Sedax Alifle Boolis, Cali Mahdi Maxamed, oo ka tirsan saldhigga degmada ayaa qorigiisa uga tagay meel cidlo ah,waxaana qorigaas helay Tahliil Cali Maxamed oo ciidannimo loo diyaarinayay kaas oo rasaas uu riday ay ku dhacday Kormeeraha saddexaad.
Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka oo raggan horay ugu xukuntay Askariga qoriga lahaa boqol halaad iyo labo sano oo xabsi ah iyo wiilka kale oo lagu xukumay labo sano oo xabsi ah.
Xukunka Maxkamadda darajada 1aad ayey ku qanci waayeen,waxaana ay racfaan ka qaateen kaddib galkoodii dib loo furay,iyada oo Maxkamadda sare xukun kama dambeys ah ka soo saartay.
Maxkamadda sare ayaa ugu dambeyn waxaa ay xukuntay in Askariga Qoriga lahaa uu bixiyo boqol neef oo geel ah iyo labo sano oo xabsi ah,halka wiilka kale ee Askarinimada loo diyaarinayay lagu xukummay saddex sano oo xabsi ah.
Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…
Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…
Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…
Maamulka Jubbaland ayaa war kasoo saaray dagaalkii saakay ka dhacay Bariga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in Warshado waa weyn oo kaalin muhiim ah ka qaata…