Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf oo maalmahan dambe ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa maanta dib ugu soo laabatay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.
Madaxweynaha oo ka warbixiyay safarkiisa ayaa sheegay in uu Magaalada Gaalkacyo u joogay Adkeynta Amniga Gobolka Mudug iyo in la sii xoojiyo Nabada Magaalada Gaalkacyo isaga oona sheegay in uu la kulmay Maamulada labada dhinac ee Puntlnad iyo Galmudug kalana hadlay sidii loo sii wadi lahaan Nabada ay haystaan bulshada reer Gaalkacyo.
Waxaa kale oo uu intaas ku daray in isbaarooyinkii yaalay Wada u dhaxeysa Gaalkacyo iyo Galinsoor dhamaan la wareejiyay Ciidamada Daraawiishtana la xareeyay oo Nidaam iyo kala dambeyn loo yeelay islamarkaana ay hada kadib joogi doonaan xeryahooda Tababarana ku qaadan doonaan.
Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn reer Galmudug ugu baaqay in ay isku-tashadaan oo ay Maamulkana la shaqeeyaan waxaa uu sheegay in qofwalba oo shaqaale Galmudug ah uuna mardambe mushaar la’aan noqon doonin dadkana looga baahanyahay in ay Canshuuraha bixiyaan.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…