Dhageyso:- Arday maanta Arday kale ku dilay Magaalada Baladweyne.

Magaalada Baladweyne waxaa maanta lagu dilay Arday dhiganayay Dugsiga sare ee Mujamc oo ku yaalla Xaafadda Kooshin, waxaana dilay Arday ay isku fasal ahaayeen.

Saciid Maxamed Axmed oo kamid ah Ardayda Iskuulka Dilkaan uu dhacay oo la hadlay Mustaqbal ayaa sheegay in Cumar Maxamed Guure uu ku baxay Gacanta Arday magaciisa lagu soo koobay Shuceyb.

Arday kale oo dhigata Iskuulkaan ayaa Mustaqbal u sheegay in ay shalay mar is qabteen Labadaan Arday balse maanta uu dilka dhacay.

Cumar iyo Ardayda kale ee Iskuulka ayaa isku diyaarinayay in ay galaan Fasaladooda si ay u qaataan duruusta maalinlaha, balse inta aan ardayda Xaroon ama aan Gelin Fasalada waxaa Toorey ku dhuftay Shuceyb sida ay inoo sheegeen qaar kamid ah Ardayda.

Waxaa loo qaaday mid kamid ah isbitaalada Magaalada Baladweyne, inkastoo aan suurta galin in la daweeyo, maadama la kulanka dhaqtarka kahor uu geeriyooday.

Shuceyb ayaa isku dayay in uu baxsado, waxaa gacanta ku dhigay Ardayda iyo maamulka Iskuulka oo u dhiibay Ciidamada Booliiska oo dhacdadaan kolkii ay maqneen ku baxeen.

Halkaan ka dhageyso Wareysiga oo dhammeystiran:

Web master

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

9 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

12 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

13 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

14 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

14 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

14 hours ago