Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare; ayaa magacaabay Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Magacaabista Guddoomiyaha Warsheekh ee Waare ayaa hadal heyn badan ka dhalisay Dowlad Gobolkeedka Hirshabeelle.
Magacaabidda Maamullada Degmooyinka iyo degaannada Hirshabeelle waxaa inta badan ku dhaqaaqi jiray Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dowladaha hoose ee Hirshabeelle Maxamed Cali Caadle.
Dadka ku dhaqan Degaannada Hirshabeelle ayaa u sheegay Idaacadda Mustaqbal in Wasiirka arrimaha gudaha Hirshabeelle oo caan ku ah magacaabista maamullada kala duwan ee Gobolka Hiiraan uu waxbadan ka meer meeray magacaabista Maamulka Warsheekh iyo guud ahaan Shabeellaha dhexe.
Odayaasha Warsheekh iyo dadka degaanka ayaa dhowr jeer oo hore ku baaqay in Wasiirku isbeddel ku sameeyo Maamulka Degmada hayeeshee ma aysan dhicin,waxaana ugu dambeyn tallaabadii qaaday madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Guddoomiyaha Warsheekh.
Wareegtada Waare ayaa lagu magacaabay Axmed Xuseen Axmed in uu noqdo Guddoomiyaha Degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha dhexe.
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…