Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland ayaa ku amartay dhammaan guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland in meelaha godan iyo dooxooyinka laga saaro dadka reer miyiga si looga badbaadiyo daadadka.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi oo gelinkii dambe ee shalay booqday degaanno u dhexeeya Garoowe iyo Sinujiif oo daadad ku rogmadeen ayaa guddoomiyaasha gobollada iyo degmooyinka Puntland ku amray in ay dadka reer miyiga ka saaraan meelaha godan ee daadadka u nugul ay wacyi-gelin buuxda ka sameeyaan halista daadadka si ay bulshada ugu baraarugto.
Isagoo xiganayaa saadaasha roobabka waxa uu sii raaciyay in ilaa 5-ta bishaan la filayo in roobab badan ay ka da’aan degaannada Puntland sidaasi darteedna loo baahanyahay bulshada in laga wacyi-geliyo halista daadadka.
Madaxweyne Ku xigeenka Maamulka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa shalay Guddi u magacaabay Samata bixinta dadka ay saameeyeen Roobabka da’ay deegaanada Maamulkaasi waxa ayna booqa doonaan dadka roobabku saameeyeen.
Hadalkaan ka soo baxay wasaarada arimaha Gudaha Puntland ayaa imaanaya ayada oo deegaano ka mida Gobolada Sool iyo Sanaag la soo sheegayo Daabad ka dhashay Roobab xoogan oo ka da’ay Goboladaasi.
Guddiga loo xilsaaray qabashada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi…
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee XFS, Jabriil Cabdirashiid ayaa maanta shaaciyay inuu iska celiyay dhalashada…
Degmada Shangaani ee Gobolka Banaadir waxaa dib looga howlgelinayaa Biyo mareennadii ay lahayd iyada oo…
Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu wadaa in lagu shaaciyo natiijada kasoo baxday Doorashadii Dadweyne ee…
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa Magaalada Laascaanood ee xarunta Maamulka Waqooyi…
Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump ayaa soo bandhigay Dalal uu ku sheegay in ay ka codsadeen…