Danjiraha Soomaaliya u fadhin doonaa Ethiopia Cali Shariif Ahmed ayaa maanta oo u gudbiyey Warqada magacaabistiisa (Accreditation Letter) Madaxweynaha Ethiopia Sahle-Work Zewde, madaweyne Zewde ayaa kaguuddoontay warqadaha Safiirka Soomaaliya u joogi doona magaalada Addis Ababa.
Safiirka ayaa Madaxweynaha Ethiopia u gudbiyey salaan uu uga waday Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo.
Madaxweynaha Ethiopia Marwo Sahle-Work Zewde ayaa Safiirka ka gudoontay warqada magacaabista, waxayna ka tacsiyeysay dadkii wax-ku-yeeloobay qaraxii ka dhacay Caasimada dalka ee Muqdisho 22 December 2018.
Madaxweynaha ayaa xustay ahmiyada xiriirka ka dhexeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ethiopia inuu yahay mid xooggan, loona baahanyahay in labada dal ay ka faa’ideystaan.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…