Xog-hayaha guud ee ururka suxufiyiinta Qaranka Maxamed Ibraahim Macalimuu
Xog-hayaha ururka suxufiyiinta qaranka Maxamed Ibraahim Macalimuu oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururka suxufiyiinta qaranku uu aad uga walaacsan yahay sida xukuumaddu ula dhaqanto saxaafadda iyo shaqaalaheedii, waxa uu kahadlay xarigga suxufi lagu magacaabo Nuur Ismaciil Sheekh oo uu sheegay in loo dhaadhiciyey xabsiga dhexe iyada oo aan wax maxkamad ah la keenin, sidaas oo kalana loo diiday in ay qaraabadiisu arkaan, waxa uu sheegay in qoraaga iyo suxufiyiintaba loola dhaqmayo sida in ay gacan ku dhiiglayaal yihiin.
Macalimuu ayaa yiri: “Hab-dhaqanka xukuumadda hadda jirta ee uu raisalawasaaraha ka yahay raisalwasaare mudane Xasan Cali Kheyre, waxa aan dhihi karnaa waa muddo sanado badan waa xukuumaddii ugu qallafsanayd ee soo marta Saxaafadda Soomaaliyeed, waxa ay ula dhaqmaan saxaafadda hab adag, ma dabagalaan kuwa saxaafadda dhibaateeya”
Xukuumadda ayuu u jeeday eedo waaweyn o xasaasi ah, kuwaas oo ay kamid yihiin:-
Macalimuu waxa uu baaq u diray Baarlamanaka si gaar ah guddiga saxaafadda ee Baarlamaanka isaga oo sheegay in ay soo gaaraan eedo badan oo muujinaya hanjabaad ay geysanayaan wasiiro iyo shaqaale katirsan xukuumadda.
Waxa uu sheegay in saxaafaddu ay kujirto xaalad halis ah oo ay mas’uul ka tahay xukuumaddu.
Magaalada Muqdisho waxa shalay kabillowday kulan socon doona muddo 3 maalin ah oo ay wada qabanqaabiyeen wasaaradaha Dastuurka iyo haweenka, kulankaas oo ay joogeen labada wasiir ee wasaaradahaaas mudane Cabdi Xoosh Jibriil iyo marwo Deeqa Yaasiin ayaa waxa ka hadlay Cumar Faaruuq Cismaan oo maxkamadi ka xukuntay in uusan ahayn sheeganna Karin xog-hayaha ururka suxufiyiinta qaranka balse kulankaas ayuu ka hadlay isaga oo ku hadlayey magaca xog-hayaha suxufiyiinta qaranka.
Mustaqbal Radio
Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…
Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…
Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…
Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…