Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Luke Shaw oo mudo garoomada ka maqnaanayo, Sabab?

Xulka qaranka England ayaa wuxuu xalay garoonka Wembley kusoo dhaweeyay dhigiisa Spain si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan UEFA Nations League, Luke Shaw ayaana inta kulanka uu socday waxay si xoogan isugu dheceen Dani Carvajal.

Daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta ayuu Dani Carvajal si xoogan ugu dhacay dhigiisa kooxda Manchester United ee Luke Shaw, wuxuna si xoogan madaxa ugu dhufsaday dhulka, taasoo sababtay in ciyaaryahanka uu ogaalka ka tago, kahor inta loo sameynin gargaarka deg dega ah.

Hadaba Luke Shaw ayaa bartiisa rasmiga ah ee “Twitter-ka” kusoo qoray fariin uu laabta ugu qaboojinayo jamaahiirta kooxda Manchester United iyo England.

“Waxaan u mahad celinayaa qof walba ee jaceelka ii muujisay iyo garab istaaga aan idinka helay, haatan aad ayaan u fiicanahay, waxaan ku jiraa gacmo aamin ah, waxaan ahay dagaal yahay, goor dhow ayaana soo laaban doonaa”.

Si kastaba waxaa xusid mudan in xulka qaranka Spain uu kulankii xalay ee UEFA Nations League guul kaga gaaray dhigiisa England 2-1.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Turkiga iyo Ciraaq oo kala saxiixday heshiis cusub oo ku saabsan Dhuumaha Saliidda

Dowladaha Turkiga iyo Ciraaq ayaa kala saxiixday heshiis hal sano ah oo lagu horumarinayo Dhuumaha…

6 hours ago

Xisbiga Awoodda Shacabka oo isaga baxay Midowga Haybad Qaran

Xisbiga Awoodda Shacabka, oo ka mid ahaa tobankii xisbi iyo urur siyaasadeed ee aasaasay isbahaysiga…

8 hours ago

Ciidanka Federaalka Itoobiya iyo kuwa TPLF oo ku Dagaallamaya Galbeedka Tigray

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa sheegaya in dagaal culus oo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka…

9 hours ago

Nuxurka Khudbadda MW Xasan Sheekh ee furitaanka Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo furay kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka ayaa ka…

13 hours ago

Madaxweyne Xasan Sheekh oo furaya Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuraya kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka waxaana…

15 hours ago

Spain oo sheegtay in ay ku guullaysatay dib u celinta Tahriibayaashii xoogga ku galay Ceuta

Dowladda Spain ayaa sheegtay in ay ku guullaystay dib u celinta Dadkii sida lama filaanka…

16 hours ago