Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Luis Enrique oo ka hadlay xaalada Luka Modric.

Tabarihii hore ee kooxda Barcelona dhawaanna loo dhiibay xulka Spain Luiz Enrique ayaa ka hadlay cida ku guuleysan karto Abaalmarinta xidiga sanadka ee FIFA waxaana la hadalhayaa inuu ku guuleysan karo Modric.

Laakiin macalinka reer Spain ee Luis Enrique ayaa muujiyay inuu qabo fikrad ka duwan tan shaqsiyaadka kale ay qabaan haba ugu badnaadeen kuwa dhanka Real Madrid.

Luis Enrique oo kasoo muuqday shir jaraa’id kahor kulanka ay kula ciyaari doonaan xulka qaranka Croatia tartanka UEFA Nations League ayaa wuxuu ka hadlay dhowr arimood uu ka mid yahay Modric wuxuuna yiri”

“Hadii aan ka hadlo Croatia waxaan dhihi doonaa Luka Modric, laakiin marka aan ka hadleeno kan ug fiican aduunka waa Lionel Messi”

“Dabcan waxaan jeclahay guusha, waxa ugu wanaagsan aan sameyn karno ayaa ah in jamaahiirta ay farxaan, waxaanahay xirfadle yaal, waana inaan haatan isku diyaarinaa sida ugu fiican waxaan soo bandhigi donna ciyaar cajiib ah waana ogahay qatarka ka imaan karta Modric iyo Rakatic waa xidigo muhiim ah ayuu hadalkiisa kuso koobay Tababaraha Spain.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

12 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

13 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

13 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

15 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

15 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

17 hours ago