Kofi Anan oo la aasayo Khamiista,Sawirro

Xoghayihii hore ee Qaramada Midoobey Kofi Anan ayaa meydkiisa laga dejiyay Magaalada Caasimadda ah ee Dalka Ghana.

Mr Anan waxaa Garoonka diyaaradaha ee Kotoka ugu tagay Madaxweynaha hadda ee Ghana Nana Addo Dankwa Akufo-Addo iyo qaraamadiisa,waxaana ay Meydkiisa ka dejiyeen Diyaaradda.

Waxaa Meydka Kofi Anan la geeyay hoolka shirarka ee Magaalada Accra,halkaas oo maalmaha ka dhiman duugistiisa ay dadka ku saxiixayaan Buugga Tacsiga ee Kofi Anan.

Mr Anan ayaa meydkiisa markii la soo dejinayay waxaa saarnaa Calanka Qaramada Midoobey,waxaase markii dambe lagu beddelay Calanka Dalka Ghana.

Kofi Anan ayaa bishii la soo dhaafay ee August ku geeriyooday Dalka Switzerland,isaga oo 80 jir ah,waxaana intan lagu hayay Firinjeerrada lagu keydiyo meydadka.

Waxaa uu ahaa Ninkii ugu horreeyay ee Afrikada madow ah oo xoghaye guud ka noqda Qaramada Midoobey waxaana la doortay labo jeer.

Dowladda Ghana iyo Qaraabada Kofi Anan ayaa ku dhawaaqay in Khamiista soo socota la aasayo inta ka horreysana dadka Reer Ghana ay ka tacsi gudanayaan.

Mustaqbal media

Recent Posts

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

13 hours ago

Maamulka Cirro oo Fannaanka BK ka hor istaagay inuu u safra Garoowe

Maamulka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya ayaa maanta Garoonka Cigaal ee Hargeysa ka hor istaagay in…

14 hours ago

Maxaa diirada lagu saarey Shirka Golaha Wasiirrada ee XFS?

Golaha Wasiirrada Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa manta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo looga hadlay arrimaha…

14 hours ago

Maxay ka wada hadleen MW Xasan Sheekh iyo Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika?

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Warbixin ka dhageystay Saraakiisha Ciidamada Mareykanka ee…

16 hours ago

Taliyaha Ciidanka Uganda oo ku baaqay in Ciidanka AUSSOM sii joogaan Soomaaliya

Taliyaha Guud ee Ciidamada Difaaca Uganda, Jeneraal Muhoozi Kainerugaba, ayaa ku baaqay in Ciidamada Howlgalka…

16 hours ago

Abaar iyo biyo yaraanta ka jirta qeybo kamid ah dalka UK

Wakaaladda Deegaanka ee dalka Ingiriiska ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday abaar ka jirta qeybo…

18 hours ago