Golaha Wasiirrada Maamulka Puntland ayaa maanta ka shiraya go’aankii ka soo baxay shirkii Kismaayo ee Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada sheegeen in ay ku hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda Federaalka ah.
Waxa jira warar sheegaya in Golaha Wasiirrada Puntland ay ku kala aragti duwanyihiin War-Murtiyeedka shirkii Kismaayo.
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/Wali Maxamed Cali Gaas,ayaa isugu yeeray Golihiisa Wasiirrada,waxaana uu ka dhaadhicinayaa mowqifka Puntland ka qaadatay dowladda Federaalka ah.
Waxaa sidoo kale jira in Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/Xakiin Cumar Camey ka biya diiday natiijada Shirkii Kismaayo,waxaana uu sheegay in Puntland aysan raalli ka ahayn waxa ka soo baxay Kismaayo.
Kulanka Golaha Wasiirrada oo ay ka qeybgelayaan Madaxwenaha iyo ku xigeenkiisa kala aragtida ah ayaa isha lagu hayaa war-murtiyeedka ay ka soo saarayaan shirka marka uu dhamaado kaddib.
Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…
Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…
Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…
Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…