Tabaraha xulka qaranka Spain ee Luis Enrique ayaa amaan kala dul dhacay goolhaaye David de Gea, kadib bandhigii cajiibka ahaa u sameeyay kulankii ay guusha ka gaareen England.
Xulka Spain ayaa ku booqday dhigiisa England garoonka Wembley si ay u wada ciyaaraan kulan ka tirsan UEFA Nations League, wuxuuna Luis Enrique oo kulankiisii ugu horeeyay guul gaaray ayaa wuxuu ku amaan de Gea badbaadinadii faraha badnaa uu kulankan ka sameeyay.
“Aad ayaan u faraxsanahay, laakiin waxaa wali jira waxyaabo badan aan dooneyno inaan saxno, balse waxa ugu wanaagsan ayaa ah in inta kulanka uu socday aan sameenay fursado badan, sababtoo ah waxaan isku dayeynay inaan gool dhalino, waxaana rajeenayaa inaan sidaan sii ahaano”.
“Waligey kama aanan shakinin awooda David de Gea, waxaa laga yaabaa inuu qaladaad sameeyo sida ciyaartoyda kale, laakiin waa ciyaaryahan cajiib ah, xili ciyaareedyadii uu kusoo sugnaa England, wuxuu soo ahaa kan koowaad ee caalamka ayuu yiri Enrique”.
Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…
Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…
Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…
Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…
Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…
Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…