Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugidda oo saacado lagu xayiray Garoonka Muqdisho

Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdalla Cabdalla Maxamed ayaa saacado kooban lagu xayiray Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqisho.

Muran qaatay saacad ka badan ayaa sababay in loo diido in uu ka dhoofo Garoonka isaga oo wata Baasaboorka diblomaasiga ah ee Soomaaliya.

Cabdalla Cabdalla ayaa laga qaaday Baasaboorka diblomaasiga ah ee uu watay,waxaana loo diiday in uu ku dhoofo Baasaboorka diblimaasiga ah ee Soomaaliya.

Waxaa uu markii dambe ku dhoofay Baasaboor Jabuutitaan ah oo uu horay u heystay,Cabdalla Cabdalla ayaa dhawaan laga qaaday xilka,waxaanna sidoo kale wareegto ka soo baxday Madaxweynaha Soomaaliya looga qaaday darajooyinkii Ciidanka ee uu lahaa.

Taliye ku xigeenkii hore ee Nabad Sugidda ayaa dhawaan Maxkamadda Ciidanka qalabka sida u gudbiyay dacwad ka dhan ah Taliyaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka iyo ku xigeenkiisa.

Mustaqbal media

Recent Posts

Tahriibayaasha ku dhintay Ceuta oo sii kordhay

Sida ay ku warrantay Wakaaladda Wararka Reuters, waxaa sii kordhay dadka Tahriibayaasha ah ee ku…

5 hours ago

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

8 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

9 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

10 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

10 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

10 hours ago