Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Liverpool oo guuldaro qaraar kala kulantay Red Star Belgrade.

Naadiga Liverpool ayaa xalay kulan xiiso badnaa la ciyaartay kooxda reer Serbia ee Red Star Belgrad oo ka dhacay garoonka Red Star Belgrad.

Liverpool ayaan gabi ahaanba soo bandhigin qaab ciyaareed lagu qanco iyaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liitay iyaga oo aan gabi ahaanba aan ciyaarin qaab ciyaareedkii looga bartay.

Kooxda Red Star ayaa dhankooda ku bilowday si dar-dar leh iyaga oo bilowgii ciyaartaba ku bilowday weeraro rogaal celis ah oo ay ku doonayeen in ay goolal kaga dhaliyaan Liverpool.

Kooxda martida loo ahaa ayaa sidoo kale si fiican u difaacanaysay iyaga oo lama heli karo ka dhigtay xiddigaha weerarka uga ciyaarayay Liverpool ee Mane,salah iyo Sturridge.

Red Star ayaa daqiiqadii 22-aad dhalisay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Milan Pavkov kaas oo ka dhaliyay gool madax ah sidaasna hogaanka ugu dhiibay kooxdiisa.

Liverpool ayaa isku dayday in ay ku soo laabato ciyaarta Laakiin waxa ay qaadi waayeen hal fuarsad oo gool laga dhalin karo iyaga oo kubada kula meeraysanayay daafacooda.

Red Star ayaa mar kale dhalisay goolka 2-aad ee ciyaarta oo uu u dhaliyay isla xiddiga Milan Pavkov kaas oo gool qurux badan shabaqa ku shuuday  kooxda Liverpool isaga oo ciyaarta ka dhigay 2-0.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Liverpool soo bandhigtay qaab ciyaareedkii ugu xumaa ee xilli ciyaareedkan oo ay xitaa ku fashilmeen in ay hal kubad goolka ku laagaan.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid ay Liverpool ka fiicnayd sidii hore fursado yarna samaysay laakiin ay ku fashilmeen in ay wax gool ah dhaliyaan.

Red Star ayaa qaybtii dambe si buuxda difaaca u gashay  iyaga oo Liverpool u ogolaan waayay in ay gaaraan shabaqooda dhanka kalena ciyaarayay weeraro rogaal celis ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaartii Liverpool oo guul ceebi ka soo raacday kala timid caasimada Star Belgrade iyada oo la kulmay  guuldaradii 2-aad ee champions League xilli ciyaareedkan.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

1 hour ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

2 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

4 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

15 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

17 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

21 hours ago