Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Inter Milan iyo Barcelona oo bar-baro ku heshiiyay.

Kooxda Inter Milan ayaa xalay marti qaaday dhigeeda Barcelona kulan xiiso badnaa oo ka dhacay garoonka Inter ee San Sirio.

Biloowgii Barca ayaa fursado heleysay balse goolhayaha Inter ayaa ahaa mid foojigan halka Inter-na ay ka sheeganayeen in weerar ku tagaan goosha Barca oo kulankaan bilaa Messi aheyd.

Kaliya laba  bartilmaameed ayay Inter ku tageen goosha Barca oo midkooda ayaa sax ahaa waxaana sidaas sameeyay  Icardi  daqiiqaddii 19-aad waana kaliya fursaddii ugu weyneyd ee ay qeybtaas hore heleen.

Guud ahaan kubad haysashada qeybtaas hore waxaa ku sareeysay Barca oo gaartay heer dhan %61 halka 13 bartilmaameedna ay ku sameeyeen inter qaarkoodna halis ayaya ahaayeen haddii uusan ahaan laheyn goolhaye Handanovic.

Inter waxa ay ka sheeganayeen in kubadda si sax ah isu gaarsiiyaan gaar ahaan qeybihii dhamaadka  sidaas oo ay tahay Barca waa ay ka hor istaagaan in ay shabaqooda booqdaan.

Biloowgii qeybta labaad , ma jirrin wax fursado ah oo ay isku heleen labada dhinac waxa ayna u muuqdeen labada tababare kuwo ka fikaraya in hanaanka ciyaarta wax ka badalaan oo ay badal sameeyaan .

ka dib xaalkaas, Barca waxa ay bilaabeen in ay cadaadis saaraan Inter  halka kooxda reer Italy ku mashquulsanaayeen sidii ay kubadda ula qeybsan lahaayeen Barca  waxaana mar kale fursad xaqiiq Barca ka bad baadiyay goolhaye Handanovic daqiiqaddii 63-aad waxa ayna Inter ka dib sameeyeen badalkoodii ugu horeeyay iyaga oo soo giliyay Valero oo daqiiqaddii 64-aad loo badalay Nainggolan.

Barca dadaal badan ayay ugu jireen in natiijada ciyaarta wax ka badalaaan waxa ayna sameeyeen badal iyaga oo soo giliyay Vidal oo daqiiqaddii 74-aad loo badalay Arthur  , waxa ayna ahaayeen dhanka maamulka kubadda ku xoognnaa

Inter inkastoo difaac ahaan ay ka hor tagayan Barca hadana horay uma aysan soo dhaqaaqeyn waxa ayna daqiiqaddii 81-aad soo giliyeen Candreva oo loo badalay Politano , waxa ayna Barca ka dib heleen gool daqiiqaddii 83-aad waxaana saxiixay Malcom .

Inter kama aysan qaadin niyad jab xilli daqiiqadii 85-aad soo giliyeen Martinez oo loo badalay Brozovic waxa ayna kooxda reer Italy dhamaadkii heleen goolka bar bar dhaac waxaana dhaliyay Icardi daqiiqadii 87-aad, waxa ayna ciyaarta ku dhamaatay min hal gool.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Maamulka Puntland oo xaqiijiyay in ay la wareegeen Xeradii Ciidanka PSF ee Boosaaso

War-saxaafadeed ka soo baxay Ciidamada Booliiska Dowlad Goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in ay la…

2 hours ago

Madaxweynaha Nigeria oo Mushaarka u kordhiyay Askarta dalkaasi

Madaxweynaha dalka Nigeria, Bola Tinubu, ayaa amar ku bixiyey in la kordhiyo mushaarka ciidanka milateriga…

2 hours ago

Ciidamada PSF oo isaga baxay xeradii ay kaga sugnaayeen Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Amniga Puntland…

5 hours ago

Sheekh Xasiina oo ku dhawaaqday inay ku laabanayso Bangladesh inkastoo dil lagu xukumay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Bangladesh, Sheekh Xasiina, ayaa shaaca ka qaadday inay dalkeeda dib…

16 hours ago

Maxay ka wada hadleen Wasiirrada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Pakistan?

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali ayaa kulan gaar ah maanta la yeeshay Ra’iisul…

18 hours ago

Jabuuti oo sheegtay in ay ciidamadeeda sii joogi doonaan gudaha Soomaaliya

Dowladda Jabuuti ayaa sheegtay in ay diirada saareyso dagaalka ka dhanka ah As, iyadoo qeyb…

21 hours ago