Categories: DIBADDA/CIYAARAHA

Koobka Qaramada Qaarada Africa oo is badal lagu sameeyay.

Wadamada qaarada Africa ayaa bilowday kulamada is reeb-reebka koobka qaramada qaarada Africa ee lagu qaban doono dalka Cameroon sanadka dambe ee 2019.

Xiriirka kubada cagta Africa ayaa sanadkii hore shaaca ka qaaday in tartanka lagu samayn doono laba is badal oo muhiim ah oo uu ugu horeeya wakhtiga la qaban doono oo ah bilaha June ama July halkii markii hore la ciyaari jiray bilowga sanadka ee bisha Janaury si looga fogaado in ay tartanka isku dhacaan horyaalada qaarada yurub ee ay ka ciyaaraan xiddigaha qaarada Africa.

Is badalka 2-aad ayaa khuseeya xulalka ka qayb qaadan doona tartanka qaaramada qaarada Africa iyada oo la kordhin doono xulalka ka qayb qaadan doona tartanka.

Tartanka ayay markii hore ka qayb qaadan jireen 16 xul oo kaliya laakiin waxa haatan ka qayb qaadan doona 24 xul si xiiso loogu yeelo tartanka loona kordhiyo xulalka ka qayb qaadanaya.

Taas ayaa la macno ah in la kordhinayo xulalka u gudbaya wareega Group-yada oo ah in Group kasta ay gudbi doonaan 2 xul ee ugu horeeya marka laga reebo Group-ka 2-aad oo ay ku jirto xulka Cameroon oo iyadu si toos ah ugu gudbi doonta maadama uu yahay wadanka marti galin doona tartanka, Taas ayaa keenaysa in ay 3 xul ku tartamaan hal boos kuwaas oo kala ah Morocco,Malawi Iyo Comoros.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Fannaan Axmed Cali Cigaal oo ku geeriyooday Maraykanka

Allaha U Naxariistee Axmed Cali Cigaal oo kamid ahaa Fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku geeriyooday Dalka…

2 hours ago

Ciidanka Xoogga Dalka oo lagu gacansiinayo la wareegista mas’uuliyadda Amniga Soomaaliya

Shirka Madaxda Dalalka ciidamada usoo diray Soomaaliya iyo Dowlada Federaalka ay ku yeesheen Magaalada Kampala…

2 hours ago

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka JFS oo berri furmaya

Kalfadhiga 8aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa berri lagu wadaa in uu furmo iyada oo…

3 hours ago

Soomaaliya oo ka qayb qaadanaysa xasiloonida Badda Cas, Baabul-Mandab & Gacanka Cadmeed

Soomaaliya ayaa kamid noqotay dalal badan oo xaaladda Badda Cas kulmisay si looga hortago halista…

4 hours ago

Maraykanka oo beeniyay in wadahadallo ka dhacay Masar looga hadlay arrinta Itoobiya

Lataliyaha sare ee Madaxweynaha Maraykanka ee Arrimaha Carabta iyo Waqooyiga Afrika, Massad Boulos ayaa beeniyay…

4 hours ago

Netanyahu oo qiray in ay hoos u dhacday Saameynta ISL ay ku laheyd Mareykanka

Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa markii ugu horeysay qiray in ay hoos u dhacday…

21 hours ago