Bahda Isboortiga oo kulan baroor diiq ah u sameeysay Halyeeyad Qaran Saciido Nuur Abuukar (Wariiri).

Waxaa Hotelka Makah Al Mukaramah ee magaalada Muqdisho lagu qabtay kulan loogu baroor diiqayay Alle ha unaxariistee Laacibicadii hore ee xulka qaranka kubadda Kolayga Saciido Nuur Abuukar ( Saciido Wariiri) oo 4ti Bishan September ku geeriyooday dalka Canada.

Kulankan oo ay qaban-qabadiisa iska kaashadeen Xarunta Talo Soo jeedinta Soomaaliyeed, Guddiga Olombikada Soomaaliyeed iyo Bahda Isboortiga waxaa kasoo qayb galay masuuliyiinta Xarunta oo bahda isboortiga qayb ka ah, Masuuliinta GOS, Madaxda Xiriirada, Wasiiro horeyxilal uga soo qabtay Isboortiga, Xildhibaano heer Federal iyo Heer Maamul-goboleed, macallimiin , garsoorayaal, Ciyaartoy iyo taageerayaashii hore ee Isboortiga.

Waxaa kulanka lagu soo bandhigay buugaag laga qoray taariikh nololeedkeedka Alle ha Naxariistee halyeeyad Qaran saciido Nuur Abuukar , guulaheeda , kartideed iyo xirfadeed ciyaareed heer Naadi iyo Heer Qaran.

Sidoo kale masuuliyiinta goobta ka hadlay oo u badnaakuwa lasoo ciyaaray, kuw, soo tababaray kuwa soo maamulay heer Naadi , heer qaran iyo heer Dowlad iyo taageerayashiu sacabo tumi jiray ayaa dhamaan muujiyay qiimahii ay Isboortiga ku lahayd saciido Wariiri Alle ha unaxariistee waxaana waxyaabha ay ka xuseen ka mid ahaa in ay mid ahayd gabdhihi ugu horeeyay ee kubad Kolay ciyaara iyo xulkii ugu horeyey ee Kubad kolay dalka dibadiisa ugu safra, sidoo kale ciyaartoydii ugu waqtiga Dheeraa ee kubadda Kolayga kasoo muuqda.

Sidoo Kale Saciido Wariiri ayaa la tilmaamay in ay markii ay qurbaha aaday in ay door lixaad leh ka qaadatay abaabulka iyo garabsiinta kubadda Kolayga gaar ahaan ciyaaraha heer qaran iyadoo markasta ay ka go’nayd guusha xulka qaranka isla markaana aysan aqbalin xilal loosoo bandgigay.

Bahda Isboortiga ayaa tilmaamay in saciido aysan kaliya ka bixin qoyskeeda balse dhamaan Soomaaliya gaar ahaan bahda Isboortiga in ay ka geeriyooday, balse waxay si gaar ah tacsi ugu direen qoyskeeda gaar ahaan Wiilkeeda waxayna alle uga baryeen in Naxariisti janno alle Ka waraabiyo.

Dhanka kale BahdaIsboortiga ayaa soo jeedisay in la sameeyo iska warqab iyo xanaaayn lagu sameeyo ciyaartoydii hore dal iyo dibadmeelkasta oo ay joogaan isla markaana laga wada qayb qaato Horumarka Isboortiga dalka.

Mustaqbalsp Mustaqbalsp

Recent Posts

Bandow lagu soo rogay Magaalooyinka Galmudug xilli loo diyaar-garoobayo Doorashada Qof iyo Cod

Maamulka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa ku dhowaaqay bandow guud oo lagu soo rogay dhammaan magaalooyinka…

11 hours ago

Kenya oo xaqiijisay in shan askari looga dilay dagaal ay la galeen AS

Booliska dalka Kenya ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada amniga…

15 hours ago

Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Al-Aqsa

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa cambaaraysay weerarka Israa’iil ay ku qaadday Masjidka Barakaysan ee Al-Aqsa, waxa…

16 hours ago

Maxay qabtaan gaadiidka Gaashaaman ee Turkiga soosaaray ee lagu arkay Ciidanka Soomaaliya?

Howlgalkii ugu dambeeyay ee Ciidamada Dowladda Federaalka gaar ahaan Kumaandooska Gorgor ay ka sameeyeen deegaanno…

17 hours ago

Muxuu yahay Mashruuca Bangiga Adduunka uu ka hirgalinaya Soomaaliya ee laga reebay magaalada Laascaanood?

Bangiga Adduunka iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis lagu horumarinayo kaabayaasha dhaqaalaha dalka…

18 hours ago

XFS oo beenisay in Safaaradda Soomaaliya ee Berlin ay leedahay Dhismo ku yaalla Friedenau

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa beenisay War hadal hayn dhaliyay oo ku saabsan in ay leedahay…

19 hours ago